4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Dec 21, 2020
Midowga Africa oo walwal ka qaba xiriirka sii xumaanaya ee Soomaaliya iyo Kenya

 

Isniin, December, 21, 2020 (HOL) - Xiisada diblumaasiyadeed ee u dhaxeysa Kenya iyo Soomaaliya ayaa ah mid walwal ku haysa Midowga Afrika, sida uu sheegay Guddoomiyaha Guddiga Midowga Afrika, wuxuuna ku booriyay wadahadal deg deg ah oo dhaxmara labada dhinac.
Midowga Afrika wuxuu ka digay cawaaqibka arintan ka dhala kara, iyagoo sheegay in ay taasi khatar gelin karto amniga gobolka.

Gudoomiyaha  Midoga Africa Moussa Faki Mahamat ayaa ka hadlay arintan maalintii Axada intii lagu guda jiray shirkii 38aad  ee Urur Goboleedka IGAD, kaasoo ka dhacay Jabuuti.

Wuxuu sheegay in Soomaaliya iyo Kenya ay tahay in ay ku xalliyaan khilaafaadkooda wadahadal si loo hubiyo iskaashiga gobolka ee ka dhanka ah Al-Shabaab.

Mudane Faki ayaa xusay in labada dal ay wadaagaan taariikh dheer oo deris wanaag ah''"Kenya, waa in la ogaadaa, in ay tahay dal ay ciidamo ku biiriyaan Amisom, isla markaana ay marti-galiso Qaxootiga ugu badan ee Soomaaliyeed ee dalka dibadiisa u cararay " ayuu yiri,[[ ayuu sheegay guddoomiyaha midowga Africa.

Madaxda Qaarrada ayaa labada dal culeys weyn ku saaraya in ay xaliyaan khilaafkooda, waxaana maalintii shalay kulan fool ka fool ah yeeshay madaxweynayaasha Soomaaliya iyo Kenya oo arintan ka wada hadal.

Cabdiraxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]