5/18/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Oct 10, 2020
Guddoomiyaha Baarlamaanka Hirshabelle oo kulan xasaasi ah Jowhar kula qaatay guddiga farsamadda Hirshabelle
 

Sabti, October 10, 2020 (HOL) - Guddoomiyaha Baarlamaanka maamul goboleedka Hirshabelle Sheekh Cismaan Barre ayaa maanta kulan xasaasi ah kula qaatay magaalada Jowhar ee xarunta maamulka Hirshabelle guddiga farsamada iyo soo xulista Baarlamaanka Labaad ee maamulka Hirshabelle.

Guddoomiyaha Baarlamaanka Hirshabelle iyo guddiga farsamada ayaa kawada hadlay arrimaha soo xulista Baarlamaanka labaad ee Hirshabelle iyo sidii loo dardar galin lahaa xareynta Odayaasha dhaqanka.

Guddoomiye Cismaan Barre ayaa sidoo kale ku sheegay qoraal uu soo saaray inuu ka dhageystay guddiga farsamada waxyaabaha u qabsoomay iyo qorshayaasha kale ee u dhiman isagoo ugu dambeyntii ugu baaqay iney dardar galiyaan howlaha shaqo ee horyaala guddiga farsamadda.

Sheekh Cismaan Barre ayaa sidoo kale ugu baaqay dhamaan qeybaha kala duwan ee bulshada Hirshabelle sida Siyaasiyiinta, Duubabka dhaqanka, iyo bulshada inteeda kale iney ka qeyb qaataan dhismaha cusub ee Hirshabelle loo dhan yahay.

Ugu dambeyntii kulanka guddoomiyaha Baarlamaanka Hirshabelle iyo guddiga farsamadda soo xulista Baarlamaanka labaad ee Hirshabelle ayaa imaanaya xili dhawaan Jadwalkii doorasho ay soo saareen guddiga farsamadda uu si cad u diiday Madxweyne Maxamed Cabdi Waare.

Jamaal Cali Cabdi, Hiiraan Online
[email protected]