5/18/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Oct 10, 2020
Ganacsatada sariflayaasha Garowe oo beeniyay hadal kasoo yeeray wasiirka maaliyadda Puntland
 

Sabti, October 10, 2020 (HOL) - Ganacsatada Sariflayaasha Garowe ayaa been abuuur ku tilmaamay hadal kasoo yeeray wasiirka maaliyadda, hadalkaas oo ah in Puntland loosoo raro lacagaha shilinka Soomaaliya ee yaala bartamaha iyo koonfurta Soomaaliya.

Ganacsatada oo la hadlay warbahainta gudaha ayaa wasiirka maaaliyadda Puntland ka dalbaday inuu la yimaado caddayn muujinaysa arrintaan, waxayna hadalkiisa ku tilmaameen mid lagu qarinayo in maamulka Puntland uu masuul ka yahay dhibaatada Sicir barar ee taagan xilligan.

Sariflayaashu waxay sheegeen caqabada ugu weyn ee keentay sicirka bararka in ay tahay kadib markii Puntland ay diiday in canshuuraha berriga lagu bixiyo lacagaha Soomaaliga iyo addeegyada lacagaha mobaylka lagu shubto oo keenay in wax kaste lagu iibsado dollar.

“Anagu ma aaminsanin in Xamar ama koonfur lacag nooga timid, waayo anagaa qaadi weynay lacagteenii oo meel kasta daadsan.” Ayuu yiri mid kamid ah sariflayaasha.

Si kastaba ha ahaatee guddi loo magacaabay wax ka qabashada sicir bararka Puntland ka jira ayaa maalmaha la filayaa inay ku dhawaaqaan go’aano wax looga bedelo sicir bararka.

Abdiweli M. Sheikh, Hiiraan Online
[email protected]