5/18/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Oct 10, 2020
Wasiir Caadle "Hirshabelle mahan Boqortooyo mana jirto cid boob ku hayso"
 

Sabti, October 10, 2020 (HOL) - Wasiirka wassaarada arrimaha gudaha iyo dowladaha hoose ee maamul goboleedka Hirshabelle Maxamed Cali Caadle oo la hadlayay Warbaahinta ayaa si adag uga jawaabay warar kala duwan oo la xariira doorashada Hirshabelle in dib loo dhigayo oo aysan diyaar u aheyn doorasho dhacda madaxda maamulka Hirshabelle.

Wasiir Caadle ayaa sheegay inaysan waxba ka jirin wararka lagu marin habaabinayo bulshada Hirshabelle ee ah in doorasho iney dhacdo diidan yihiin madaxda maamulka, arrintaasina ay tahay barabagaando ay dabada ka riixayaan Siyaasiyiin dano gaar ah leh ayuu yiri "wasiir Caadle"

Wasiirka wassaarada arrimaha gudaha iyo dowladaha hoose ee maamul goboleedka Hirshabelle ayaa sidoo kale beeniyay in madaxweyne ku xigeenka Hirshabelle uu waddo qorshe lagu boobayo xilka madaxweynaha Hirshabelle taasina ay tahay mid lagu jahwareerinayo shacabka Hirshabelle.

Wasiirka ayaa sidoo kale ka hadlay in Hirshabelle aysan aheyn Boqortooyo oo kale uuna isku soo sharixi karro muwaadin kasta oo Soomaali ah kana soo jeedda deeganadda Hirshabelle,

Gabagabadii wasiir Maxamed Cali Caadle ayaa sheegay in go'aanka iyo tallada ugu dambeysa ee Hirshabelle ay leeyihiin Odayaasha dhaqanka isagoona ugu baaqay waxgaradka reer Hirshabelle iney aayahooda ka tashtaan oo ay soo dhisaan Hirshabelle loo dhan yahay maadama la joogo waqtigii mar labaad dib loo yagleeli lahaa Hirshabelle cusub oo caafimaad qabto.

Jamaal Cali Cabdi, Hiiraan Online
[email protected]