5/18/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Oct 10, 2020
Dowladda Maraykanka oo digniin culus u jeedisay cid kasta oo carqaladaysa doorashooyinka soo socda
 

Sabti, October 10, 2020 (HOL) - Dowladda Mareykanka ayaa sheegtay inay ka go'an tahay taageerada doorashooyin xor iyo xalaal ah oo ka dhaca Afrika.

Dowladda Maraykanka waxay sheegtay tallaabooyinkaan oo la qaado inay muhiin u yihiin difaacayaasha dimuqraadiyadda, waxayna ugu yeertay in dhamaan dhinacyadu ay si nabad ah uga qaybqaataan geeddi-socodka dimuqraadiyadda.

"Cadaadis iyo cagajugleyn boos kuma lahan dowladaha dimuqraadiga ah," ayaa lagu yiri qoraal kasoo baxay wasaaradda arrimaha dibadda Maraykanka.

Dowladda Maraykanka waxay si cad u sheegtay inay si dhow ula socondoonto ficilada shaqsiyaadka faragalinta ku haya geedi socodka dimuqraadiyada ayna ka labalabeyn doonin in ay ka qaaddaan tallaabooyin cawaaqib xumo ah oo ay ku jiraan in laga xaddido fiisaha kuwa mas'uulka ka ah rabshadaha doorashooyinka.

Dalalka uu Maraykanku farriinta udirayo waxaa kamid ah Soomaaliya oo isku diyaarinaysa doorashooyin qaran.

Abdiweli M. Sheikh, Hiiraan Online
[email protected]