5/18/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Oct 10, 2020
Halka lagu aasayo marxuum Cali Khaliif Galaydh oo is afgarad laga gaaray
 

Sabti, October 10, 2020 (HOL) - Is-afgarad ayaa laga gaaray halka lagu aasayo maydka allaha u naxariistee raysal wasaarihii hore ee Soomaaliya, Dr. Cali Khaliif Galaydh, oo sideedii bishaan ku geeriyooday magaalada Jigjiga.

Xildhibaano katirsan barlamaanka Soomaaliya iyo salaadiinta dhaqanka ee kasoo jeeda gobolka Sool ayaa sheegay in marxuumka lagu aasayo magaalada Muqdisho kadib markii la isku waafaqay.  

Maydka Marxuumka oo lagu waday in maalintii jimcaha Muqdisho loo qaado, ayaa u baaqday sababo la xiriira isqabqabsi ka dhashay, balse shalay duhurkii ayaa lasoo afjaray lana go'aamiyo in Muqdisho lagu aaso maanta oo sabti ah.

Warar ayaa sheegaya in qoyska marxuumka ay dowladda ka codsadeen in baaritaan lagu sameeyo maydka ka hor inta aan aas qaran loo sameyn.

Dad badan oo marxuumka aqoon dheeraad u lahaa ayaa muujiyay shaki ku saabsan in la sumeeyay, inkastoo dowlad degaanka Soomaalida Ethiopia uu sheegay inuu u geeriyooday cudurka Coronavirus.

Abdiweli M. Sheikh, Hiiraan Online
[email protected]