5/18/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Oct 10, 2020
Dowladda Norway oo xanibaadii ka qaadday masjidka Towfiiq
 

Sabti, October 10, 2020 (HOL) - Dowladda Norway ayaa xanibaadii ka qaadday masaajidka Tawfiiq, oo muddo dheer ay maamulkiisa isku haystaan labo kooxood oo Soomaali ah oo mid walbaa uu sheeganayo maamulka saxda ah.

Khilaafka ayaa salka ku hayay arrimo ay kamid yihiin habka loo maamulayo dhaqaalaha uu gobolka Oslo ee dalka Norway ku taageero masaajidka.

Gobolka Oslo ayaa soo saaray go'aan ah in lasoo fasaxayo dhaqaalihii uu ku caawin jiray masjidka  inkasoo aan weli xal buuxa laga gaarin cidda rasmiga ah ee loo aqoonsan yahay maamulka masjidka.

Guddiga hadda gacanta ku haya ayaa sheegay inay diyaar u yihiin go'aan kasta oo kasoo baxa dowladda Norway ayna ku qanacsan yihiin in masjidku ka baxo isqabqabsiga maamul ee gaarsiiyay marxaladdan.

Qolyaha dhinaca kale ayaa sheegay in ay racfaan ka qaadandoonaan go'aan kasta oo maxkamada Oslo kaasoo baxa haddii talada masjidka dib loogu celiyo guddiga horey gacanta ugu hayay.

Soomaalida ku dhaqanka dalka Norway ayaa walaac xoogan ka muujiyay khilaafka joogtada ah ee masjidkaTowfiiq, iyagoo horey u codsaday in loo dhiibo dad ka madax bannaan labada dhinac.

Abdiweli M. Sheikh, Hiiraan Online
[email protected]