4/27/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Jan 1 , 2020
Puntland oo maxkamad soo taagtay nabaddoono kasoo horjeestay howlaha Imaraatku ka hayo Puntland
 

Arbaco, Janaayo, 01, 2020 (HOL) - Dowlad goboleedka Puntland ayaa maanta maxkamad kutaala magaalada Bosaso soo taagay nabaddoono  dhawaan loo xiray kadib markii ay warbaahiinta kasii daayeen hadalo lidku ah howlaha Imaaraatku hayo gudaha Puntland.

Waxaa lagu eedeeyay inay ku xadgudbeen sharciga iyo kala dambaynta Puntland ayna gacmaha kula jireen abaabul iyo kicin dadweyne oo qalqal galin karay xasiloonida Puntland.

Dhegaysiga dacwadooda kadib, maxkamada ayaa mar kale mudaysay kiiskooda maalinta axada oo ay taariikhdu ku beegan tahay shanta bisha koowaad.

Madaxweynaha Puntland, Siciid Cabdulaahi Deni, ayaa waqtigii uu ahaa musharaxa madaxweyne Puntland, waxaa uu kamid ahaa siyaasiyiinta aadka ugasoo horjeeday in dadka loo xiro aragtidooda.

Hase, ahaatee, dhowaan ayuu warbaahinta ka sheegay in cid kasta oo sharciga ku xadgudubta la xirayo.

Odayaasha hadda xiran oo xabsiga ku jira muddo ku siman bil ayaa qaarkood horey loo xiray, inkastoo mar dowladdu cafisay.

Abdiweli M. Sheikh, Hiiraan Online
[email protected]