4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Jan 1 , 2020
Ciidamada Dowladda oo deegaanno dhowr ah kala wareegay Ururka Al-shabaab

 

Arbaco, Janaayo, 01, 2020 (HOL)-Wararka naga soo gaaraya gobolka Shabeellaha hoose ayaa sheegaya in ciidamada dowladda Soomaaliya gaar ahaan Guutada DANAB kala wareegeen Al-shabaab deegaanno dhowr ah.

Deegaannada ciidamada dowladda Soomaaliya ay kala wareegeen Al-shabaab ayaa waxaa ka mid ah Moradiinle, Buula Miskiin, Macallinka, Baladul Amiin, Raqayle, Sabriye iyo Buula Bashiir.

Ciidamada ayaa saacadihii ugu danbeeyay ka waday qeybo ka mid ah gobolka Shabeellaha howlgalo ay ku baacsanayeen xoogagga Ururka Al-shabaab ku sugan gobolka oo ka mid ah meelaha ay siweyn ugu xooggan yihiin dagaalyahannadooda.

Sarkaal u hadlay ciidamada howlgalka ku jira oo lagu magacaabo Cismaan Cabdimaalik Maalin ayaa Warbaahinta u sheegay in ku dhawaad 20 xubnood oo ka tirsan Ururka Al-shabaab ku dileen intii uu socday howlgalka.

Ma jiro wax war ah oo ka soo baxay dhinaca Al-shabaab oo ka hadlaya sheegashada  saraakiisha ciidamada dowladda ee ah in ay kala wareegeen deegaanno dhowr ah iyo dilka 20 ka xubnood oo ka tirsanaa dagaalamayaashooda.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]