4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Dec 8 , 2020
Maxkamada sare ee Puntland oo mudaysay dacwad ku saabsan xildhibaano xasaanada laga qaaday
 

Talaado, December, 08, 2020 (HOL) - Maxkamada sare ee dowlad goboleedka Puntland ayaa mudaysay dhegaysiga dacwada u dhaxaysa xildhibaano katirsan Puntland oo sheegay in sifo sharci darro ah xilka looga qaaday iyo xeer ilaaliyaha guud ee Puntland oo kusoo oogay dambiga xasaanada ay ku waayeen.

Maxkamadu waxay sheegtay in dacwadu billaabandoonto tobanka bisha 12-aad oo ku beegan maalinta sabtida ee soo socota, iyadoo ka dhicidoonta magaalada Garowe ee caasimadda Puntland.

Sideeda xildhiaan ee dacwada qeybta ah ayaa horey ugasoo horjeestay xukunka lagu riday, iyagoo sheegay in guddoonka barlamaanka uu ku xad gudbay sharuucda dastuuriga ah ee tilmaamaysa habka xildhibaanku ku weyn karo xubimadiisa.

Go’aanka maxkamada ayaa kusoo aadaya, xilli sidoo kale xildhibaanadan ay dacwad u gudbiyeen dowladda federalka Soomaaliya iyo beesha caalamka, iyagoo dacwadooda ku sheegay in madaxweyne Deni uu a afduubay madax bannaanidii golaha sharc dajinta.

Abdiweli M. Sheikh, Hiiraan Online
[email protected]