4/29/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Dec 6 , 2020
Midowga musharixiinta '' Madaxweyne Farmaajo waa in uu joojiyaan isku deyga uu ku doonayo in uu ku boobo doorashada

 

Axad, December, 06, 2020 (HOL) -Golaha midowga musharixiinta Soomaaliyeed ee ku shirsan magaalada Muqdisho ayaa ganafka ku dhuftay Guddoonka ay iska soo soo dhax-doorteen Guddiga Doorashada Heer Federaal ee aan wali heshiiska lagu wada-aheyn.

War Qoraal ah oo ka soo baxay ayeey sheegeen in tallaabada ay guddiga isaga soo dhax doorteen guddinka muujineyso sida leysaga dhaga-marinayo baaqyada is daba jooga ah ee ka soo baxay oo dalbanaya in gabi ahaanba la kala dirro guddiga.

Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayeey ugu baaqeen in uu joojiyo sida ay hadalka u dhiggeen isku deyga uu ku doonayo in uu ku boobo doorashasha.

Hoos ka Akhriso Qoraalka :

 

Cabdiraxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]