4/20/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Dec 29, 2020
Xildhibaannada Golaha Shacabka oo maalmariyay miisaaniyada dowladda ee 2021ka

 

Talaado, December, 29, 2020 (HOL) -Xildhibaannada Golaha Shacabka ayaa fadhi ay ku yeesheen xarunta Villa Hargeysa waxaa ay ku ansixiyeen miisaaniyada dowladda ee sanadka 2021ka

Kulanka oo xaadireen 145 xildhibaan ayeey dhamaantood cod aqbaliyad ah ku ansixiyeen miisaaniyada oo kol hore loo soo gudbiyay Golaha Shacabka.

Guddoomiye ku-xigeenka labaad ee Golaha Shacabka Mahad Cabdalla Cawad oo kulanka maanta shir guddoominayay ayaa ku dhawaaqay in laga bilaabo maanta miisaaniyadu ansax tahay.

Ansixinta miisaaniyada ayaa imaneysa xil uu dhamaaday muddo xileedka baarlamaanka 10aad ee Soomaaliya, waxaana wali jira ajandayaal iyo sharciyo wali hor yaala Golaha oo u baahan in la meelmariyo.

Cabdiraxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]