4/18/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Dec 27, 2020
Cabdiraxmaan Cabdishakuur oo si adag uga hadlay xaalada ka taagan magaalada Baledweyne
 

Axad, Deccember, 27, 2020 (HOL) - Hoggaamiyaha Xisbiga Wadajir  Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame ayaa si adag u Cambaareeyay caburinta lagu haayo dadka reer Hiiraan gaar ahaan kuwa ku nool Baledweyne.

Siyaasi Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame ayaa sidoo kale ugu baaqay ciidamada AMISOM iyo kuwa Itoobiya iney isaga fogaadaan awoodo militari ay u adeegsanayaan shacabka.

"Waxaan canbaaraynayaa falalka lagu caburrinayo codka shacabka reer Hiiraan. Waxaan ugu baaqayaa ciidamada AMISOM, iyo kuwa Itoobiya in ay ka fogaadaan adeegsida awooda iyo meelmarinta danaha gaarka ee Madaxweyne Farmaajo. Waxaan Ilaaheey uga baryayaa in uu u booga dhayo dadkii shacabka ee ku dhaawacmay xabadihii ciidanka ay ku rideen dibad baxayaasha"ayuu yiri Cabdiraxmaan

Hadalka hoggaamiyaha Xisbiga Wadajir Cabdiraxmaan Cabdishakuur ayaa imaanaya xili maanta banaanbaxyo waaweyn oo dad shacab ah ay dhaawaceen Booliiska aay ka dhaceen gudaha magaalada Baledweyne kaasoo looga soo horjeeday dad badan oo shacab ah oo ku xiran Saldhiga Baledweyne kuwaas oo ilaa hada aanan la ogeyn sababta rasmiga ah ee ay u xiran yihiin.

Jamaal Cali Cabdi, Hiiraan Online
[email protected]