4/25/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Dec 27, 2020
Wasiirka amniga Galmudug oo sheegay in la aqoonsaday qofkii ka dambeeyay qarixii ismiidaaminta Gaalkacyo
 

Axad, Deccember, 27, 2020 (HOL) - Wasiirka amniga dowlad goboleedka Galmudug Axmed Macalin Fiqi ayaa sheegay in qofkii fuliyay qarixii ismiidaaminta ee Gaalkacyo ka dhacay uu ahaa qof kasoo jeeday degaanada Galmudug.

Hadalkaan ayuu wasiir Fiqi ka sheegay dood su’aalo lagu weydiinayay isaga iyo culimada islamarkaana ku saabsanayd doorka nabada.

Wasiirka amniga ayaa sheegay in qofkaasi yahay qof la garanayo, balse wuxuu ka gaabsaday inuu macluumaad dheeraad ah kasii bixiyo.

Dhinaca kale, Wasiirka amniga Galmudug ayaa sheegay in ay hayaan tiro dad ah oo Ku eedeysan inay lug ku leeyihiin Qaraxii Gaalkacyo ka dhacay.

Abdiweli M. Sheikh, Hiiraan Online
[email protected]