4/24/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Dec 27, 2020
Madaxweynaha Puntland oo sheegay in qorshe siyaasadeed laga lahaa mudaharaad shalay ka dhacay Garowe
 

Axad, Deccember, 27, 2020 (HOL) - Madaxweynaha Puntland Siciid Deni ayaa ku tilmaamay mudaharaad shalay ka dhacay magaalada Garowe inuu ahaa qorshe siyaasadeed oo lagu suurad xumaynayay amniga Puntland xilli shir weyn lagu qabanayo Garowe.

Madaxweyne Deni ayaa sheegay in mudaharaadkaas lagusoo beegay xilli ay Garowe imaanayeen madax kala duwan oo ka socotay dowladda federalka iyo siyaasiyiin, kuwaas oo ka qeyb galaya shir ahmiyad weyn xambaarsan oo Garowe loogu doortay amniga ka jira darteed.

Wuxuu sheegay madaxweynuhu in ay tallaabo ka qaadayaan shakhsiyaadka soo ababulay mudaharaadkaas oo uu sheegay in lagu burburiyay hanti dowladdeed sawir qaldana ka gudbiyay amniga magaalada Garowe.

Dhinaca kale, madaxweyne Deni ayaa soo saaray go’aamo wax looga qabanayo diidmada lacagta shilinka Soomaaliga, isagoo amar ku bixiyay in maamulka 10% uu lacagta shilin Soomaaliga ku qaadidoono canshuurta ilaha dakhliga.

Sidoo kale wuxuu amray shirkadaha isgaarsiinta in lacagaha taleefoonada la iskugu diro lagu jaangooyo in wax ka yar toban dollar aan la isku diri Karin.

Abdiweli M. Sheikh, Hiiraan Online
[email protected]