3/29/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Dec 26, 2020
Jadwalka Doorashada Aqalka Sare iyo Golaha Shacabka oo la soo saaray

 

Sabti, December, 26, 2020 (HOL) - Guddiga Doorashooyinka heer Federaal ayaa shaaciyay jadwalka doorashada dalka dalka ee sanadka 2020-21, gaar ahaan doorashada Aqalka Sare iyo Golaha Shacabka Baarlamaanka Soomaaliya.

Guddiga Jadwalka soo saaray oo aan wali heshiis lagu aheyn, ayaa qoraalkooda ku sheegay 26-ka bishan December, iyaga oo fursad lix cisho ah siiyey sidii ay madaxda maamulada dalka kusoo saari lahaayeen liiska musharaxiinta, taasi oo ku eeg isla 29-ka bishan.

Golaha midowga musharixiinta dalka ayaa siweyn uga soo horjeeda hannaanka ay dowladda Soomaaliya u mareyso doorashooyinka dalka, waxaana ay ku eedeeyeen in ay soo magacaawday guddiyo doorasho oo isugu jira shaqaale dowladeed iyo xubno ka tirsan NISA 

Hoos ka akhriso jadwalka oo dhameysitiran

 

 

 

 

 

Cabdiraxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]    

















Click here
1/31/2021 10:19 PM EST
Sidee looga gaashaanta ama layskaga difaacaa cudurka Corona in Somali

12/26/2020 8:32 AM EST
Sabti, December, 26, 2020 (HOL) - Ciidamada Booliiska magaalada Baledweyne ayaa goordhaw xabsiga dhigay Cali Daahir Xeroow Cali Kuluc oo ka mid ahaa wariyaashii hore ee ka howl gali jiray Baledweyne iyo Xasan C/raxmaan oo loo yaqaano Xasan Habi ahna madaxa suuq geynta Shirkadda Korontada Baledweyne Dayax Power Supply.

12/26/2020 5:53 AM EST
Sabti, December, 26, 2020 (HOL) - Madaxweynaha Puntland Siciid Deni ayaa maanta magaalada Garowe kusoo dhoweeyay guddoomiyayaasha labada aqal ee barlamaanka Soomaaliya, Cabdi Xaashi Cabdullaahi iyo Maxamed Sheikh Cabdiraxmaan Mursal.

12/26/2020 4:51 AM EST
Sabti, December, 26, 2020 (HOL) - Mudaharaad rabshado watay ayaa maanta ka dhacay magaalada Garowe ee Puntland, halkaas oo ay iskugusoo baxeen boqolaal qof oo u badan haween iyo dhalinyaro, kuwaas oo ka caraysan diidmada lacagta shilinka Soomaaliga.

12/26/2020 2:10 AM EST
Sabti, December, 26, 2020 (HOL) - Doorashooyinka soo socda ee baarlamaanka iyo madaxweynaha Soomaaliya ayaa ku kicidoonta 40 milyan oo dollar, wasiirka maaliyadda ayaa sheegay in inta badan ay bixin doonaan deeq bixiyayaasha caalamiga ah.

12/26/2020 12:17 AM EST
Sabti, December, 26, 2020 (HOL) - Dowladda Jabuuti ayaa loo xil saaray in ay yareyso sii socoshada khilaafka Diblomaasiyadeed ee u dhaxeeya labada Dowladood Soomaaliya iyo Kenya kaddib kulankii dhawaan ugu soo dhamaaday wadamada ku jira Urur gobolleedka IGAD dalka Jabuuti.

12/26/2020 12:16 AM EST
Sabti, December, 26, 2020 (HOL) -Maanta ayaa lagu wadaa in qaar ka mid ah midowga musharixiinta dalka u dhoofaan magaalada Garoowe ee xarunta u ah maamul gobolleedka Puntland, halkaasoo uu shir uga furmayo madaxda dowlad gobolleedyada qaar iyo midowga musharixinta mucaaradka.

12/26/2020 12:12 AM EST
Sabti, December, 26, 2020 (HOL) Koox burcad ah ayaa la sheegay in xalay degmada Wadajir toogasho ku dileen wiil dhalinyarro ah oo la sheegay in ay ka qaateen Mobelkiisa gacanta.

12/26/2020 12:09 AM EST
Sabti, December, 26, 2020 (HOL) - Dowladda Soomaaliya ayaa waxba kama jiraan ku sheegtay hadal dhawaan ka soo yeeray ra'iisal wasaarihii hore ee dalka Xassan Cali Kheyre oo hadda ka mid ah midowga musharixiinta dalka