4/20/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Dec 26, 2020
Dowladda oo beenisay hadal dhawaan ka soo yeeray Ra'iisal Wasaarihii hore ee dalka Xassan Cali Kheyre

 

Sabti, December, 26, 2020 (HOL) - Dowladda Soomaaliya ayaa waxba kama jiraan ku sheegtay hadal dhawaan ka soo yeeray ra'iisal wasaarihii hore ee dalka Xassan Cali Kheyre oo hadda ka mid ah midowga musharixiinta dalka.

Xassan Cali Kheyre ayaa sheegay in durbaba qaar ka mid ah wadamada caalamka ka joojiyeen dowladda dhexe dhaqaalihii ay siin jireen khilaafka ka taaggan doorashada awgeed.

Hasse ahaatee Wasiirka Wasaarradda Maaliyada Xukuumadda Soomaaliya Cabdiraxmaan Ducaale Beyle ayaa sheegay dhamaanba lacagihii ay ka heli jireen caalamka sidoodii ay u soo gaaraan, isaga oo beeniyay hadalka Ra'iisal Wasaarihii hore ee dalka.

''Lacagaha saddex qeybood ayeey ka yimadaan,  AUda ayeey ka yimadaan, African ka yimadaan, iyo World Bankiga, intaba waan helnaa lacagahaas'' wax la joojiyayna ma jiraan, hadba sida aan iskula fal galno ayeey ku xiran tahay ayuu yiri Wasiirka.

Waxaaa sii xoogeysanaya khilaafka dhinaca doorashada ee u dhaxeeya dowladda dhexe ee Soomaaliya iyo musharixiinta mucaaradka oo ku cadaadisanaya saami-leyda dhinaca dhaqaalaha ee caalamka in ay dowladda dhexe ka joojiyaan dhaqaalaha ay siiyaan.

Cabdiraxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]