4/23/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Dec 24, 2020
In ka badan 100 ruux oo mar kaliya lagu dilay gobolka Benishangul-Gumuz ee dalka Itoobiya

 

Khamiis, December, 24, 2020 (HOL) -  In ka badan 100 ruux ayaa la dilay kaddib markii koox dabley ah oo heyntooda la aqoon weerareen tuulo ku taala gobolka Benishangul-Gumaz ee dalka Itoobiya.

Weerarka ayaa dhacay maalin kadib markii ra’iisul wasaare, Abiy Ahmed, uu booqday gobolka uu weerarkan ka dhacay.

Dadkan ayaa la sheegay in qaarkood la toogtay halka kuwa kalana lala dhacay tooreey, iyadoo marka laga soo tago dhimashada sidoo kale in ka badan 30 ruux la dhiggay goobaha caafimaadka kuwaa oo qaba dhaawacyo kala duwan.

War ka soo baxay guddiga xuquuqul insaanka Itoobiya waxay ku sheegeen in weerarka uu ka dhacay tuulada Bekoji, oo ku taal aag ay ku nool yihiin qowmiyado badan oo isku dhaf ah.

"In ka badan 100 qof ayaa lagu dilay weerar dab iyo toogasho isugu jira oo ay geysteen rag hubaysan waa barigii Arbacada", guddiga ayaa yiri.\

Waa dhimashadii ugu ballaarneyd oo mar kaliya lagu geysto gobolka, waxaana weerarkan uu la kulmay cabaareyn kala gadisan oo dhinacyo badan ka imaneysa.

Cabdiraxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]