4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Dec 23, 2020
Soomaaliya oo heshiis dayn cafin ah la saxiixatay dalalka England, Denmark iyo Netherland
 

Arbaco, December, 23, 2020 (HOL) - Soomaaliya ayaa heshiis dayn cafin ah la saxiixatay England, Denmark iyo Netherland, sida uu sheegay wasiirka maaliyadda Soomaaliya Dr Cabdirahman Ducaale Beyle oo heshiiska u saxiixay Soomaaliya.

Wasiirka maaliyadda Soomaaliya, ayaa sheegay in saxiixaan uu daba socda go'aankii ka soo baxay shir dhacay 31-kii Maarso 2020 oo Soomaaliya looga saamaxay lacag dhan 1.4 Bilyan.

Go'aanka kasoo baxay shirkaas ayaa dhigayay in Soomaaliya ay dal waliba si gooni ah uga saxiixato inta uu ka saamaxay.

Isu geynta lacagta ay saamaxeen 3 dal ayaa gaareyay $69.9 million.

Soomaaliya oo lagu leeyahay shan bilyan oo dollar oo dayn ah ayaa maraysa wajiyadii ugu dambeeyay ee qorshaha dayn cafinta, waxaana horey deymo uga cafiyay dalal dhowr ah oo malaayiin dollar ku lahaa.

Abdiweli M. Sheikh, Hiiraan Online
[email protected]