4/20/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Dec 21, 2020
Wasiirka Arrimaha Dibadda Soomaaliya'' Waxaa jiray cadaadis ah in aynu yareyno khilaafka nagala dhaxeeya Kenya

 

Isniin, December, 21, 2020 (HOL) - Wasiirka Wasaarradda Arrimaha Dibadda Soomaaliya Maxamed Cabdirisaaq Abuubakar oo faah faahin dheeraad ah ka bixiyay shirkii madaxda urur gobolleedka IGAD ugu soo dhamaaday Jabuuti ayaa sheegay in Soomaaliya cadaadis lagu saaaray in ay hoos u dhigto khilaafka kala dhaxeeya Kenya.

Wasiirka ayaa sheegay in shirkan oo hal maalin ahaa Dowladda Soomaaliya si wanaagsan ugu soo diyaar-garoowday si ay isaga difaacdo eedeymaha uga imanaya Dowladda Kenya, balse mar walba madaxda Urur gobolleedka IGAD ku dadaalayeen in khilaafka lagu dhax -xaliyo isla Ururka dhaxdiisa.

''Annaga waan aqbalnay in khilaafka hoos loo dhiggo , laakiin waxaan ku xirnay sharuud ah in la magacaabo guddi dib u eegis ku sameeya wax-yaabaha Dowladda Soomaaliya ay ka tabaneyso Dowladda Kenya ayuu yiri Wasiirka.

Wasiir Abuubakar ayaa sheegay in ashtakada ugu weyn ee dhinaca Dowladda Soomaaliya soo bandhigtay aheyd arrinta ku saabsan jabhada lagu tababarayo degmada Mandera oo sida uu sheegay IGAD go'aan ku gaartay in loo saaro guddi xaqiiqo raadin ah.

''Qoddobka ugu horreeya ee aan rabno in laga wadahadlo ayaa ah arintan xudduuda ka taaggan iyo dhaqdhaqaaqyada ay ka waddo dowladda Kenya, qoddobkaas ayaa muhiim inoo ahaa, wey jiraan qoddobo kale oo muhiim ah oo aan rabin in aan idila wadaago'' ayuu yiri Wasiirka.

Dowladdaha Soomaaliya iyo Kenya ayaa labaduba ashtako u gudbiyay Urur gobolleedka IGAD iyadoo midba kan kale uu ku eedeeyay khilaafka taaggan oo gaaray ilaa heer safaaraddaha la kala rarto.

Cabdiraxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]