4/24/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Dec 21, 2020
Xildhibaan ka tirsan Dowlad Gobolleedka Hirshabeelle oo ku dhaaacmay qarax gurigiisa ka dhacay

 

Isniin, December, 21, 2020 (HOL) -Wararka ka imanaya magaalada Jowhar ee xarunta Dowlad Gobolleedka Hirshabeelle ayaa in xildhibaan Maxamuud Colaad uu dhaawac culus ka soo gaaray qarax ka dhacay gurigiisa.

Faah faahin dheeraad ah lagama bixin sababta qaraxan keentay iyo in uu ahaa Bam lagu soo tuuray iyo kale, hasse ahaatee wararku waxaa ay sheegayaan in xildhibaanka uu soo gaaray dhaawac culus.

Laamaha nabad-galyada Jowhar ayaa gaaray guriga uu qaraxan ka dhacay kuwaa oo halkaa ka wada baaritaan la xiriira qaraxa.

Cabdiraxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]