Isniin, December, 09, 2019 (HOL)-Inta la xaqiijinayo ugu yaraan hal Askari ayaa ku dhintay Labo kalana waa ay ku dhaawacmeen weerar xalay kooxo hubeysan ku qaadeen ciidamo ka tirsan Puntland oo marayay bartamaha magaalada Boosaaso ee gobolka Bari.
Goobjoogayaal ayaa warbaahinta u sheegay in weerarkan lagu qaaday Gaari ay la socdeen ciidamada Puntland oo marayay bartamaha magaalada,
Rag hubeysan oo aan wali la garan heybtooda ayaa la sheegay in weerarka ay fuliyeen, kuwaas oo goobta isaga baxsaday falka kadib, sida ay xaqiijiyeen ilo deegaanka ah.
Ma jiro illaa iyo hadda wax war ah oo Puntland ay ka soo saartay weerarkaasi ka dhacay Boosaaso oo aysan jirin cid sheegatay mas'uuliyaddiisa.
C/raxmaan Diini, Hiiraan Online[email protected]