4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Dec 5 , 2019
Bangiga Ganacsiga ee Itoobiya oo laan ka madax banaan dulsaarka Jigjiga ka furay

Khamiis,December, 05, 2019 (HOL)-Waxaa maanta magaalada Jigjiga laga daah furay laan ka madax banaan dulsaarka (Ribada), oo uu leeyahay Bangiga Ganacsiga ee Itoobiya.

Laantan oo loogu magac daray Carafo ayaa waxay ku shaqayn doontaa nidaamka Islaamiga ah ee aan dul saarka lahayn sida ay maamulka Bangigu sheegeen.

Bangiga Ganacsiga Itoobiya ayaa kamid ah bangiyada ugu waawayn Itoobiya, kuna shaqeeya nidaamka dulsaarka leh balse hadda ku hawlan in laamo dulsaarka ka madax banaan uu degaannada dalka ka furo.

Jigjiga ayaa waxaa horey uga furnaa Bangiyo badan oo ku shaqeeya nidaamka dulsaarka leh, iyadoo dhawaan la filayo in Bangiyo Islaami ah degaannada dalka laga furo.

Hiiraan Online