Hiiraan Online
4/28/2024
Today from Hiiraan Online:
Home
Somali Map
Sports
Opinion
RSS
Somali Music
Contact Us
Facebook
Twitter
Google Plus
Wararka Maanta- Khamiis, Dec 5 , 2019
Golaha ammaanka oo muddo kordhin u sameeyay howlgalka la dagaalanka burcadbadeeda Soomaaliya
Khamiis,December, 05, 2019 (HOL)-Golaha ammaanka Qaramada Midoobay ayaa dib u cusboonaysiiyay joogitaanka howlgalka ka dhanka ah burcad badeeda Soomaaliya, iyadoo la gaarsiiyay december sanadka 2020.
Golaha ammaanka wuxuu go’aansaday inuu cusbooneysiisto muddo 12 bilood ah, taasoo ka dhigan in dowladdaha iyo ururada gobolka ee iskaashiga la leh Soomaaliya ay galaan biyaha Soomaaliya ayna isticmaalaan awood kasta oo ah ka dhan ah falalka burcad-badeednimada iyo boobka hubeysan ee ka dhaca badda.
Golaha ammaanka ayaa sidoo kale meel mariyay codsi Soomaaliya ka yimid bishii hore ee november oo ahaa inaan lagusoo xad gudbin somalia dhulkeeda.
Warbixinta Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay ee ku saabsan xaaladda qaddiyadda burcad-badeednimada iyo dhaca hubeysan ee ka dhaca xeebaha Soomaaliya, ayaa sheegaysa laba dhacdo oo budhcad-badeednimo ah tan iyo Oktoobar 1, 2018.
Abdiweli Mohamed Sheikh, Hiiraan Online
[email protected]