Khamiis, December, 05, 2019 (HOL)-Madaxweynihii hore ee Dowladda Soomaaliya Xassan Sheekh Maxamuud ayaa shaki badan galiyay doorasho waqtigeeda ku dhici karta, isaga oo ka digaya muddo korarsi aan la ogeyn sababta kalifi karta.
Wuxuu sheegay in muddo korarsi hay’adaha dowladda qaarkood in ay ka hor imaanayso Dastuurka dalka, isaga oo intaa ku daray in uusan garanayn dhibaatooyinka keenaya dib u dhacaas iyada oo doorasho ay ka dhacday dalka iyada oo dalka ay ka socdeen dagaalo.
Xassan Sheekh ayaa intaa ku daray in iyada oo baarlamaanka Soomaaliya ay ka doodayaan Sharciga doorashooyinka in hadana dadka aqoonta u leh odoroska siyaasadda in ay sheegayaan doorashadu in aysan waqtigeeda ku dhici karin.
C/raxmaan Diini, Hiiraan Online[email protected]