Khamiis,December, 05, 2019 (HOL)-Xildhibaannada Golaha Shacabka ayaa si deg deg uga yeeray in ay horyimaadaan Golaha Labo Wasiir oo ka tirsan Xukuumadda Soomaaliya.
Guddoomiyaha Golaha Shacabka Maxamed Mursal Sheekh Cabdiraxmaan ayaa Wasiirada Amniga iyo Gaadiidka & Duulista Hawada sheegay in looga baahan yahay maalinta Axada inay hor yimaadaan Baarlamaanka,isla markaana Xildhibaanada u diyaar garoobaan.
Wasiirka Amniga ayaa waxaa wax laga weeydiin doonaa xaalada amni ee dalka qorshaha Wasaaradda Amniga uga degsan Amniga iyo qodobo kale, halka dhinaca kale Wasiirka Gaadiidka wax laga weeydiin doono xayiraadii Madaxweynayaashii hore ee Soomaaliya iyo Xildhibaanno ka tirsan Golaha Shacabka.
C/raxmaan Diini, Hiiraan Online[email protected]