4/27/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Dec 31, 2019
Xarunta xuquuqul insaanka Somaliland oo sheegtay in 88 qof sifo sharci daro ah la iskaga xidhay sanadkan

 

Talaado, December 31,  2019  (HOL )– Xarunta xaquuqda aadanaha ee Somaliland ayaa warbixin ka diyaarisay xadhigii iyo tacadiyadii ka dhacay Somaliland sanadkan sii dhamaanaya.

Sidoo kale, waxaa ay warbixintooda ku sheegeen in boolisku sameeyaan tacadiyo ka dhan ah xuquuqda bani’aadanka, taas oo aanay jirin meel looga dacwoodda, waxaanay tusaale usoo qaadeen in wiil saldhig ku xidhnaa uu askari iliga ka riday taas oo aanay jirin meel lagaga ashkatoodo.

“Xaaladda xuquuqda iinsaanka way sii xumaanaysa, waxaana sii badanaya xadhiga sharcidarada ah, waxay xaruntu diwaangalisay xadhigii ugu badnaa ee abid la diwaangaliyo oo sanadkan dhamaanaya ka dhacay Somaliland, waxa la xidhay 88 qof, kuwaas oo iskugu jira dad suxufiyiin ah iyo dad aan suxufiyiin ahayn oo shacab caadiya ah, waxa ku jiray siyaasiyiin sharci daro loo xidhay, iyo Xildhibaan Dhakool oo sifo sharci daro ah lagu xidhay.”ayey tidhi gudoomiyaha xaruntan Yaasmiin Cumar Maxamuud oo ka hadlaysay tacadiga ka dhanka ah bani’aadanka ee ay diwaangaliyeen.

Sidoo kale, waxay tilmaameen tacadiyada ay boolisku ku sameeyaan dadweynaha, taas oo ah garaacid sharciga ka hor imanaya.

Barkhad-ladiif M. Cumar, Hiiraan Online

[email protected]

Hargeysa, Somaliland.