4/27/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Dec 30, 2019
Mudaharaad loogasoo horjeeday masaajidii lagu gubay Ethiopia oo ka dhacay Dirirdhabe


Isniin, December, 30, 2019 (HOL) Mudaharaad looga soo horjeeday masaajido lagu gubay gobolka Goojam ee dhulka ismaamulka Amxaarada ayaa ka dhacay magaalada Dirirdhaba.

Shacabka muslimiinta qeybihiisa kala duwan ayaa muujiyay sida ay uga xunyihiin masaajiddii lagu gubay gobolka Goojam.

Muslimiinta magaalada Diridhaba gaar ahaan xaafada Kazira ayaa sidoo kale ka cabanayay in aysan haysan goob ay ka dhistaan masjid iyo dugsi waxbarasho.

Abdiweli M. Sheikh, Hiiraan Online
[email protected]