4/27/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Aug 27, 2019
Gudoomiyaha Xisbiga Himilo Qaran oo Ohio Columbus lagu soo Dhaweeyey

Talaado, Augusto, 27, 2019 (HOL)-Waxaa Magaaladda Columbus ee gobolka Ohio lagu soo dhaweeyey Xildhibaan Sulaymaan  Maxamed Xaashi (Xuub Sireed) ahna Gudoomiyaha Xisbiga Himilo Qaran dalka Soomaaliya,

Xildhibaanka oo baryahaan hadafka xisbiga u sharaxaayey qurbojoogta Soomaaliyeed ee Waqooyiga Ameerica,waxuuna hore kulan ugu qabtay Magaaladda Minneapolis ee gobolka Minnesot .

Xildhibaanka ayaakulanka soodhaweeyntiisa waxaa ka soo qaybgalay dadwayne fara badan iyagoo dadkii halkaas ka hadlay ay aad ugu soo dhaweeyeen ujeedooyinka xisbiga himilo qaran ,waxayna dadwaynahu siteen sawirada Madaxwaynahii hore ee Soomaaliya Shiikh Shariif Sh Axmed kaas ah sida filayo musharaxa xisbiga ee doorashada soo socota ee Soomaaliya.

Adam Xaaji Xuseen oo ka mid ahaa qabanqaabada kulankaan ayaa HOL u sheegay inay dadka reer Columbus ay aad u soo dhawenayaan xisbigaan Himilo Qaran oo ay urkaan mid wax ka badali kara hanaankasiyaasadeed ee Soomaaliya , waxuuna raaciyey in hogaanka xisbigaan uu yahay mid la soo tijaabiyey, m/wayne shariif na uu yahay hogaamiye Soomaaliya oo hufnaan iyo wanaag badan lagu tabaayo.

Kulankaan ayaa waxaa ka hadlay qaybaha kala duwan ee bulshada odayaasha Culumadda Haweenka iyo dhalinyarada gobolka ooaad moodo inay goobta kulanka ay aad u soo camireen.

Xildhibaan Xuubsireed godoomiyaha xisbiga ayaa khudbad dheer oo qoran oo dhinacyo badan taabanaysa kulanka ka aqriyey ,isagoo aad uga hadlay ahmiyadda xisbigaan oo sheegay in uu yahay mid ka fog qabyaalad ama kooxaysi ayna doonayaan inay dalka ku hogaamiyaan wadada horemarka ah.

Siyad S Salah

[email protected]

Hiiraan online

Minneapolis MN