4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Aug 27, 2019
Ahlu Sunna oo sheegtay in dowladda federaalka ku soo duushay una diyaar garoobeen in ay is difaacaan

 

Talaado, Augusto, 27, 2019 (HOL)- Qoraal goor dhaw ka soo baxay hoggaanka sare ee Ururka Ahlu Sunna Waljameeca ayaa lagu sheegay in dowladda federaalka ku soo duushay deegaannada maamulka Ahlu Sunna Waljameeca.

Qoraalka ayaa sidoo kale lagu sheegay in dowladda Soomaaliya burburisay dhamaanba heshiisyadii horey looga galay, taa badalkeeda deegaannada Galmudug ka soo buuxisay ciidamo iyo saanad militari, oo ay horkacayaan  sida qoraalka lagu sheegay madax ka tirsan Ururka Al-shabaab.

Beesha caalamka ayeey ku war-galiyeen in cawaaqibka ka dhashay wax ka socda degmada Dhuusa-Mareeb iyo deegaannada ay ka arimiyaan Ahlu Sunna ay mas'uuliyadeeda qaadi doonto dowladda federaalka Soomaaliya.

Qoraalka ka soo baxay Ahlu Sunna :- 

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]