4/27/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Aug 27, 2019
Kheyre oo la kulmay guddoonka Bankiga Dhexe iyo Xisaabiyaha Guud

 

Talaado, Augusto, 27, 2019 (HOL)-Ra’iisul Wasaare Xassan Cali Khayre oo kulan la qaatay wasiir ku-xigeenka Maaliyadda,Guddoonka Bankiga Dhexe iyo xisaabiyaha guud

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Soomaaliya  Xassan Cali Khayre ayaa maanta kormeeray xarunta Bangiga dhexe ee dalka.

Ra’iisul wasaaraha ayaa intii uu kormeerka ku jiray waxaa uu kulan looga hadlay daddar-gelinta shaqooyinka hor tebinta leh ee bagiga la qaatay wasiir ku-xigeenka wasaaradda maaliyadda, guddoomiyaha, guddoomiye ku-xigeenka Bangiga dhexe ee dalka iyo xisaabiyaha guud.

Bankiga dhexe oo qayb ka ah hay’adaha halbeegyada ku leh tubta horumarinta dhaqaalaha ayaa mas’uul ka ah samaynta iyo maaraynta lacagta dalka, ka shaqaysiinta hannaanka xisaabeed ee dalka, abuuridda hannaanka bixinta lacagta oo midaysan iyo Isku dubba rididda qorshaha dib-u-soo celina hantida qaranka.

Kormeerka uu Ra’iisul Wasaaruhu uu ku tegay xarunta bangiga dhexe  ayaa qayb ka ah hawlaha lagula soconayo hanaanka hir-gelinta qorshayaasha hor-tebinta leh ee wasaaraha xukuumadda iyo hay’addaha kale  ee dawladda ay ku leeyihiin tubaha qaranka si sare loogu qaado isla  xisaabtanka, hufnaanta iyo daah-furnaanta.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]