4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Aug 27, 2019
Dagaal Al-shabaab iyo ciidamada dowladda ku dhaxmaray gobolka Shabeellaha hoose

 

Talaado, Augusto, 27, 2019 (HOL)-Faah faahin dheeraad ah ayaa ka soo baxaya ciidamo ka tirsan dowladda kuwa  AMISOM  Al-Shabaab.

Dagaalka oo ka dhacay deegaanka Golweyn ayaa yimid kaddib markii xubno ka tirsan Ururka Al-Shabaab ay weerar ku qaadeen Saldhig ciidamada Dowladda iyo AMISOM ku leeyihiin deegaanka Golweyn, waxaana la sheegay  in halkaasi uu ka dhacay dagaal mudo kooban socday 

Goobjoogayaal warbaahinta u sheegay in ay maqlayeen dhawaqa rasaasta ay  isku adeegsanayeen labada dhinac, hasse ahaatee aysan cadeyn karin khasaaro ka soo kala gaaray dhinacyada halkaasi ku dagalaamay.

Wali ma jiro wax war ah oo ka soo baxay saraakiisha ciidamada dowladda Soomaaliya ee gobolka Shabeellaha hoose oo la xiriira dagaalka ciidamada dowladda iyo Al-shabaab ku dhaxmaray deegaanka Golweyn

Gobolka Shabeellaha hoose waxaa ka soconaya howlgalo ciidamada dowladda ay ka wadaan, iyadoo dowladda Soomaaliya ay la wareegtay deegaanno dhowr ah oo ka tirsan gobolka.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]