4/27/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Aug 26, 2019
530 Arday oo ka qalin jabisay Jaamacadda SIU ee magaalada Muqdisho


Isniin, Augusto, 26, 2019 (HOL)-Jaamacadda Somali International University (SIU)  ee magaalada Muqdisho ayaa maanta xaflad ballaaran u qabatay Arday gaaraysa 530 Arday oo isku mar qalinjebisay.

Ardaydaan oo ah dufcaddii 4aad ayaa ka qalin jabiyay kulliyaddo kala duwan oo ka mid ah heerka koowaad ee jaamacadda.  Madax ka socotay dowladda Soomaliya, ururrada bulshada rayidka ah, maamulka, macalimiinta iyo, waalidiinta ardayda ayaa qayb ka ahaa xafladda qalinjabinta.

Guddoomiyaha Jamacadda SIU,  Cusmaan Macallin Xassan ayaa ardayda u rajayeeyay mustaqabal ifaya oo ay faraxad iyo guul iyo shaqaba leh “ Maanta waxaad qalinjabiseen idinka oo xirfad, cilmi iyo bislaansho maskaxeed leh, marka waa in aad ku talagashaan in aad qaadaan waajibaadka hortiina yaalla ee dhinac kasta”. ayuu yiri.

Mowliid Cali Duqow oo kamid ahaa ardayda baahiyaha gaarka ah  qaba ee jaamacadda ka qalinjabisay ayaa ka sheekeeyay dhibka uu waxbarashada ka soo maray iyo hadda sida uu hammigiisu yahay. “ Markaan dugsiga sare dhiganayay, waxaa dhib igu ahayd in aan qaado buugaagta toddobada maadu lagu dhigto; labo buug ayaan maadooyinka dhan ku qori jiray, haddase waa aniga jaamacadda dhammeeyay, meel sare ayaana wali hammiga ku hayaa”

Wasiirka Shaqada iyo Arrimaha Bulshada  dowladda  Federaalka Soomaaliya, Mudane Sadiiq Xirsi Warfaa aya asna dhiniciisa hambalyo iyo soo dhawayn u diray dhammaan ardayda ka qalin jabisay jaamacadda, Mowliid Duqowna u ballan qaaday in uu ka dhiibayo waxbarashada heerka labaad ee Mastarka.

“Waxaan halkan ka ballan qaadayaa in aan Mowliid waxbarashada sare ka dhiibayo , gaar ahaan midda mastarka.” ayuu yiri wasiir Sadiiq oo inta ku daray inay dadaalka ugu badan ku bixinayaan sidii loo jiheyn lahaa ardayda waxbaratay ee shaqooyinka u baahan.

“Waxaan idin sheegaya inuu socdo barnaamijka Sahanka Suuqa Shaqada rasmiga ah ee dalka oo aan rajeynayno inuu xal u noqdo shaqo la’aanta ka jirta dalka.” ayuu ku daray wasiir Sadiiq Warfaa.

Waalidiinta, ka qaybgalayaasha xafladda iyo maamulka jaamacadda ayaa hadallo dhiirrigalin iyo hambalyo iskugu jirta u soo jeediyay qalijabiyaasha.

Waxaana gabagabadii la guddoonsiiyay qayb ka mid ah ardayda shahaadooyinkii iyo abaal marino kale oo ay mutaysteen.

Iman Mohamed Jama, Hiiraan Online
[email protected]