4/27/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Aug 26, 2019
Gudidda beelaha Garxajis oo dhaliilay hadalkii ka soo yeedhay taliyaha Ciidanka Militeriga Somaliland

 

Isniin, August, 26, 2019 (HOL – Guddida beelaha Garxajis ee ku jirtay dhexdhexaadinta jabhadda Caaare iyo xukuumadda Somaliland ayaa sheegay inay nabadayntii ay ku jireen iskaga baxeen, isla markaana dalku badbaado u baahan yahay.

Guddidan ayaa sheegay in hadalkii shalay ka soo yeedhay taliyaha guud ee Ciidamada Militeriga Somaliland Gen:Nuux Taanni ay ahayd fariin ku socotay guddidii ku jirta nabadeynta gobolka Sanaag, waxaanay sheegeen inay hadalkaasi u aqoonsanayaan inuu aha hadal madaxweynaha ka soo baxay.

Sidoo kale, madax dhaqameedkan ayaa ku baaqay in waxgaradka iyo madax dhaqameedka Somaliland iskugu yimaadaan si ay u badbaadiyaan Somaliland.

Suldaan Axmed Cismaan Caddo-Gudde oo ah gudoomiyaha guddida Garxajis oo arintaasi ka hadlaya waxa uu yidhi “ Taliyaha ciidanka ugu sareeya waa madaxweynaha, madaxweynaha oo aan ogayn taliye Nuux Taani ma hadli karo afkii madaxweynuhu ku hadlay, madaxweynaha inta aanan iska arag nabadii aan sidnay ayuu hawada noo soo mariyey jawaab uu usoo dhiibay taliyaha Ciidanka Nuux Taanni, waxaanay noqotay jawaabtii inuu yidhaahdo madaxweynuhu qof aan maxkamad la keenin inuu dil ku xukumo, marka hogaamiyahaagu caynkaasi oo kale noqoto amarkiisa lama qaato, madaxweynaheenu marka uu sidaas u hadlo oo wixii loo igmaday uu ka baydho inaguna waanu ku diidnay mana aqbalayno ummada isku haynteeda iyo isku keenideeda ayaa lagu dhiibay ee kala eryidiisa laguuma dhiibin”

“qoriga xabadii uun baa ka bixin, dalka waa la wada leeyahay ee dawlad la wada leeyahay ha noqoto ayaanu lahayn, maanta ayey halkii u dambaysay taagan tahay, waxaan ugu baaqaya salaadiinta iyo wasgaradka in si degdeg ah shir qaran la iskugu yimaado.”ayuu yidhi suldaanka guud Suldaan Maxamed Xirsi Qani.

Sidoo kale, dadweynaha iyo xisbiyada mucaaradka ayaa ka dareen celiyey hadalkii ka soo yeedhay taliyaha Ciidanka qaranka Nuux Taani, waxaanay arrintaasi u arkeen mid khalad ah,isla markaana lagu waxyeelayey nabadeyntii laga waday gobolka Sanaag iyo jabhadda Caare oo waan waan uga socotay xukuumadda iyo Kornayl Caarre.

Barkhad-ladiif M. Cumar, Hiiraan Online

[email protected]

Hargeysa, Somaliland.