Madaxweyne Biixi oo xisbiyada iyo Guurtida ka codsaday inay soo magacabaan xubnaha cusub ee guddida doorashooyinka
Isniin, August, 26, 2019 (HOL) – Madaxweynaha Somaliland Mudane
Muuse Biixi Cabdi ayaa maanta xafiiskiisa kulan kula qaatay madaxda axsaabta
qaranka, waxaanay ka wada hadlayeen sidii loo sii amba-qaadi lahaa heshiiskii
saddexda xisbi qaran ee qabsoomida doorashooyinka.
Kulan waxa ka soo qaybgallay
madaxweynaha Muuse Biixi , gudoomiyaha
xisbiga UCID, Eng. Faysal Cali Waraabe iyo Hoggaamiyaha Xisbiga Waddani Mudane
Xirsi Cali Xaaji Xasan oo wakiil ka ahaa gudoomiyaha xisbiga waddani.
War-saxaafadeed ka soo baxay
xafiiska madaxweynaha ayaa sidan u qornaa:“Xisbiyada mucaaradka ahi waxay
dareen taban ka muujiyeen qaabkii ay u joojiyeen golaha wakiilladu in ay ka
doodaan mooshinkii ahaa in la kordhiyo tirada xubnaha Komishanka doorashooyinka
qaranka, waxa kale oo ay sheegeen in ay dood adag ka qabaan qaabkii uu u
joojiyey ka doodista mooshinka garyaqaanka golaha wakiilladu, sidii ay horeba
warbaahinta uga sheegeen.
Inkasta oo aynu filaynay in
golaha wakiiladu dood geliyo mooshinka ay u soo jeediyeen saddexda xisbi qaran,
haddana mar hadii garyaqaankii goluhu dood sharci ka keenay madaxweynuhu waxa
uu ku taliyey in aynaan wakhti badan ku lumin dood sharci xiligan, balse laga
faa’iideeyo muddada kooban ee aynu haysano, sidaa darteed waxa uu ka codsaday
labada xisbi qaran in qayb ka ahaadaan hannaanka geedi socodkii doorashooyinka
ee ay horeba saddexda xisbi qaran ugu heshiiyeen.
Madaxweynuhu wuxuu labada xisbi
qaran ku adkeeyey in muhiimada koowaad la siiyo qabsoomida doorashooyinka, isla
markaana waxa uu u soo jeediyey axsaabta qaranka inay dulqaad u yeeshaan wixii
ay u arkaan gef iyo khalad inta lagu jiro hannaanka geedi socodka
doorashooyinka.
Madaxweynuhu waxa uu si cad u
balan qaaday in la fulin doono qodobka afraad ee heshiiskii saddexda xisbi
gaadheen 27-July-2019 kaasoo dhigayey in golaha wakiilada ee cusub la hor geeyo
mooshinka kordhinta labada xubnood ee guddida doorashooyinka qaranka doorashada
ka dib.
Kulankaasi waxa uu ku dhamaaday
jewi degan, waxaanu madaxweynuhu mar kale ka codsaday axsaabta qaranku inay sii
wadaan geedi socodka doorashooyinka, sidoo kalena waxa uu ku bogaadiyey
axsaabta qaranka dedaalka ay ugu jiraan qabsoomida doorashooyinka.
Ugu danbayn madaxweynuhu waxa uu
qoraal u kala diray 25-kii-August-2019 axsaabta qaranka iyo golaha guurtida si
ay u soo gudbiyaan xubnihii cusbaa ee guddida doorashooyinka qaranka si
waafaqsan xeerka doorashooyinka madaxtooyada iyo golayaasha deegaanka xeer Lr.
20/2001.
Kulan ayaa daarna sidii hore
looga sii socon lahaa heshiishkii saddexda xisbi wada gaadheen oo ay u jirtay
hadii golaha Wakiiladdu wax ka bedelka qodobkaasi ka hor yimaadaan sidii hore
uun lagu gallo doorashadda.
Barkhad-ladiif M. Cumar, Hiiraan
Online
[email protected]
Hargeysa, Somaliland