4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Aug 26, 2019
Diyaarado duqeyn ka geystay saldhigyo Al-shabaab ay ku leeyihiin gobollada Jubbooyinka

 

Isniin, Augusto, 26, 2019 (HOL)-Faah faahin dheeraad ah ayaa ka soo baxaya duqeymo diyaarado dagaal ay ka geysteen saldhigyo Ururka Al-shabaab ay ku leeyihiin gobollada Jubbooyinka.

Wararka ka imanaya degmooyinka Jilib, Saakow, Bu’aale iyo Salagle ayaa sheegaya in saldhigyo halkaa Al-shabaab ku lahaayeen duqeymo u geysteen diyaarado dagaal.

Saraakiil ka tirsan militariga Soomaaliya ayaa xaqiijiyey jiritaanka weeraradan inkastoo aysan faahfaahin dheeraad ah ka bixin sida ay u dhaceen.

Waxaa ay saraakiishu sheegeen in duqeynta ka dhacday degmada Bu’aale lala beegsaday saldhig ay ku sugnayaeen saraakiil iyo dagaalamayaal ka tirsan  Al-Shabaab, inkastoo aan la xaqiijin khasaaraha ka dhashay duqeynta.

Dhinaca kale wararka ka imanaya degmada Jilib ayaa sheegaya in diyaaradaha dagaalku ku haleeleen  kolonyo ay la socdeen xoogag ka tirsan  Al-Shabaab, lamana oga khasaaraha ka  dhashay.

Duqeymaha inta badan laga geysto deegaannada Soomaaliya ay ka maamulaan Ururka al-shabaab ayaa waxaa sheegta taliska Mareykanka Africom oo gataalo iyo duqeymo diyaaradeed ugu dilay saraakiil sar sare oo ka tirsan Al-shabaab.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]