4/27/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Aug 26, 2019
Komishinerada Asluubta ee dalka Itoobiya oo casho sharaf loogu sameeyay magaalada Jigjiga

 

Isniin, Augusto, 26, 2019 (HOL)- Xaflad Casho sharafeed loogu samaynayay Komishinnerada Asluubta ee dalka Itoobiya ayaa xalay lagu qabtay magaalada Jigjiga, xafladdan ayaa waxaa kasoo qayb galay Hoggaanka Nabadgalyada ee deeganka Soomaalida Cabdi Caadil iyo mas'uuliyiin kale.

Haddaba Xafladdan casho sharafeedda oo ahayd mid lagu soo gunaanadayay shirkii maalmahan u socday Komishinnerada Asluubta ee dalka, ayaa waxaa gabagabadii xafladda abaal-marino la gudoonsiiyay Komishinadii degaamadii isbaddal muuqda ka sameeyay dhanka ilaalinta xuquuqda Maxaabiista oo ugu horeeyo Komishinerka Asluubta ee Dowladda Degaanka Soomaalida.

 

Degaanka Soomaalida ayaa tan iyo intii degaanka iyo dalkaba is baddalku ku yimid waxaa wax badan laga baddalay dhanka xuquuqda Maxaabiista, iyadoo albaabada loo xiray Jeelkii ciqaabta la saaxiibka ahaa ee Jeel Ogaden, waxaana wakhti xaadirkan Maxaabiista xukuman lagu hayaa Jeelka Gobolka ee u dhaw Amiira Hotel iyo Qumaadaha, iyadoo sidoo kale kuwa aan la xukunayn lagu hayo xarumaha Booliska ee deegaanka.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]