4/27/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Aug 26, 2019
Qaar ka mid ah Odayaashii u tagay Al-shabaab oo xabsiga la dhigay magaalada Beledweyne

 

Isniin, Augusto, 26, 2019 (HOL)- Kaddib kulan magaalada Beledweyne ay ku yeesheen saraakiisha hay’addaha Amniga iyo laamaha cadaaladda ayaa leysku afgartay in dhamaan la soo xiro Odayaashii dhaqanka ee dhawaan u tagay Ururka Al-shabaab kuwaa oo qaarkood isla maalintii shalayba xabsiga loo taxaabay.

Saraakiisha hay’addaha Amaanka ayaa sheegay in aan marnaba la aqbali karin in si xor ay ay magaalada isaga joogayaal Odayaashii la soo macaamilay Ururka Al-shabaab.

‘’Suurtagal ma’aha in odayaashii dhaqanka ee soo xulay xildhibaannada, aas-aasna u ahaa dowladnimada aynu maanta heysano, in hadana ay u tagaan Al-shabaab, waxaan heynaa codad sir ah oo laga soo duubay, qaarkood xabsiga ayaan dhignay kuwa kalana waa lagu raad joogayaa ayuu warbaahinta u sheegay Maxamed Cabduqaadir oo ka mid ah saraakiisha maxkamada ciidamada Qalabka oo warbaahinta kula hadlay magaalada Beledweyne.

Dhinaca kale wuxuu sheegay in ay ku raad joogaan islamarkaana cadaalada la kor keeni doono sida uu hadalka u dhigay ganacsato lacago ku taageera Ururka Al-shabaab waliba si ka baxan ayuu yiri xeendaabkooda shaqo.

Al-shabaab ayaa dhawaan deegaannada ay ka maamulaan gobollada Koonfurta iyo Bartamaha Soomaaliya waxaa ay isugu yeereen odayaashii dhaqanka ee soo xulay xildhibaannada Golaha Shacabka lamana oga wax yaabaha ay ka wahadleen labada dhinac, hasse ahaatee inta badan odayaashaa ayaa xabsiga la dhigay markii ay dib ugu laabteen deegaannadii ay markii hore ka tageen.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]