4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Aug 26, 2019
Dagaal culus oo xalay ka dhacay dulleedka degmada Buula-burte ee gobolka Hiiraan

 

Isniin, Augusto, 26, 2019 (HOL)- Wararka naga soo gaaraya degmada Buula-burte ee gobolka Hiiraan ayaa sheegaya in xalay dagaal culus dulleedka degmada uu ku dhaxmaray ciidamada dowladda iyo xoogag ka tirsan Ururka Al-shabaab.

Dagaalka ayaa ka danbeeyay weerar culus oo Al-shabaab ay ku soo qaadeen saldhig-yada ciidamada dowladda iyo kuwa AMISOM ku leeyihiin degmada Buulo-Burde,waxaana halkaasi ka bilaawday iska horimad xoogan oo leysku adeegsaday hub kala duwan.

Saraakiisha dowladda ee ku sugan degmada Buula-burte ayaa warbaahinta u sheegay in ay dhankooda iska difaaceen weerarkii xalay kaga yimid dhinaca Al-Shabaab,isla markaana ay khasaaro ku gaarsiiyeen.

Lama sheegin khasaaraha ka dhashay dagaalka, hasse ahaatee dadka deegaanka ayaa warbaahinta u sheegay in iska horiamadku ahaa mid xooggan oo ugu yaraan sababay khasaare isugu jira dhimasho iyo dhaawac.

Iska horimaadka xalay ka dhacay dulleedka degmada Buula-burte ee gobolka Hiiraan ayaa imanaya xili galinkii danbe ee shalay ciidamada dowladda iyo kuwa AMISOM la wareegeen maamulka iyo gacan ku heynta deegaanka Buurweyn oo saldhig muhiim ah u ahaa Ururka Al-shabaab.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]