4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Aug 26, 2019
Guddoonka Labada Aqal ee Baarlamaanka Soomaaliya oo la kulmay madaxweynaha Jabuuti

 

Isniin, Augusto, 26, 2019 (HOL)-Guddoonka Labada Aqal ee Baarlamaanka Soomaaliya aya qasriga madaxtoyada djibouti kulan kula qaatay madaxweynaha  Jabuuti Ismaaciil Cumar Geelle.

Mas’uuliyiintan ayaa iska xogwareystay arrimaha xiriirka labada dal  oo ah wadamo walaalo ah,iyo kaalinta dowladda Jabuuti markasta ay la  garab taagantahay Soomaaliya.

Sidoo kale Guddoonka Labada Aqal ee Baarlamanka Soomaaliya Maxamed Mursal Sheekh Cabdiraxman iyo Cabdi Xaashi Cabdullaahi ayaa maanta kulan la  qaatey Guddoomiyaha Barlamaanka jabuuti Mudane Maxamed Cali Maxamed.

Mas'uuliyiintaan ayaa kulankooda uga hadlay sidii loo xoojin lahaa xiriinka labada Baarlamaan.

Guddoomiyaasha labada Aqal ee Baarlamaanka Soomaaliya ayaa booqasho  rasmiya ku jooga dalka Jabuuti, iyagoo saacadihii ugu danbeeyay halkaa kulamo kala duwan kula lahaa madaxda dalkaasi. 

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]