4/27/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Aug 25, 2019
Ciidamada dowladda iyo AMISOM oo la wareegay deegaanka Buurweyn

 

Axad, Augusto, 25, 2019 (HOL)-Wararkii ugu danbeeyay ee ka soo gaaraya Hiiraan Online deegaanka Buur-weyn oo dhaca xadka kala qeybiya gobollada Hiiraan iyo Shabeellaha dhexe ayaa sheegaya in ciidamada dowladda Soomaaliya si buuxda ula wareegeen gacan ku heynta deegaankaas.

Wararku waxaa ay sheegayaan in ciidamada dowladda Soomaaliya oo garabsanaya kuwa howlgalka midowga Africa AMISOM kala wareegeen deegaankaas oo u ahaa mid muhiim u ah oo ay gaadiidka uga qaadi jireen canshuurta, balse ciidamada dowladda ayaa halkaa ka sameystay fariisimo cusub.

Lama oga halka ay tageen xoogagga Al-shabaab ee laga qabsaday deegaanka Buur-weyn oo ah marin muhiim u ah isku socodka gaadiidka isaga kala goosha gobollada Koonfurta iyo Bartamaha Soomaaliya.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]