4/27/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Aug 25, 2019
Xoghayihii hore ee gobolka Banaadir Amiin Sheekh Cilmi oo goor dhaw Qarax lagu dilay



Axad, Augusto, 25, 2019 (HOL)-Qarax loogu xiray gaarigiisa ayaa lagu waramayaa in goor dhaw lagu dilay xoghayihii hore ee gobolka Banaadir Amiin Sheekh Cilmi.

Qarax Gaari ayaa ka dhacay Bar lagu Baaro Gaadiidka galaya Airport-ka Muqdisho. waxaana la sheegay in uu ku qarxay Kontoroolka koowaad ee waddada gasha Airportka ,taas oo u dhaw Isgooska KM4 ee Muqdisho.

Dad Goobjoogayaal ah oo aan goordhaw la hadlaynay ayaa sheegay in Amiin uu wade ka ahaa gaariga, mana jirto cid kale oo wax ku noqotay qaraxan.

Allaha u naxariistee Amiin Sheekh Cilmi ayaa sanadkii 2014 waxaa uu bedelay Xoghayihii hore ee Gobolka Banaadir C/kaafi Hilowle Cismaan,

Horaantii  sanadkii 2015 waxaa sidan oo kale qarax loogu xiray gaarigiisa lagu dilay C/kaafi xili uu marayay Isgoyska KM4.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]