4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Aug 25, 2019
Wasiirka Qorsheynta Galmudug oo ka hor yimid xil ka qaadistii uu ku sameeyay madaxweyne Xaaf

 

Axad, Augusto, 25, 2019 (HOL)-Wasiirka Qorsheynta Galmudug Cabdikaafi Maxamed Maxamuud ayaa waxba kama jiraan ku tilmaamay wareegto wareegto xilka looga qaaday oo ka soo baxday madaxweynaha Galmudug Axmed Ducaale Geelle Xaaf.

Wasiirka oo la hadlay warbaahinta ayaa sheegay in Xaaf xilligaan kaliya uu  yahay kusime ilaa iyo inta laga dooranayo Madaxweyne, islamarkaana uusan  xilka ka qaadi karin.

''Su'aasha isweydiinta leh waxey tahay Nin aan xil heyn xil maqaadaa marka hore, madaxweynihii  hore ee Galmudug, Annniga iyo Isagaba hadda ku simayaal ayaan nahay waxaa sugi doonnaa maamulka danbe ee dhismaya'' ayuu yiri Wasiirka.

Madaxweynaha dowlad gobolleedka Galmudug ayaa qoraal uu soo saaray waxaa uu sheegay in uu xilka uga qaaday Wasiirka Qorsheynta oo eedeyn culus u jeediyay guddiga shirka dib-u-heshiisiinta beelaha Galmudug ee lagu wado in uu ka furmo magaalada Dhuusa-Mareeb.

Laakiin hadalkan ka soo yeeray Wasiirka la sheegay in xilka laga qaaday ayaa sii xoojinaya khilaafka ka dhaxeeya xubnihii markii horeba isku biiray ee ka kala tiranaa Galmudug iyo maamulkii Ahlu Sunna Waljameeca ee gobollada dhexe.

Dowladda Soomaaliya ayaa ku howlan sidii deegaannadaa looga dhisi lahaa maamul loo dhan yahay waxaana soconaya diyaar-garoow loogu jiro qabsoomida shir ay isugu imanayaan waxgaradka beelaha degga Galmudug oo bilow u ah dhismaha Galmudug  leysku raacsan yahay. 

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]