4/27/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Aug 25, 2019
Dowladda oo baareysa weerar lagu qaaday xarunta shirkadda Isgaarsiinta Hormuud ee deegaanka Caws-qurun

Axad, Augusto, 25, 2019 (HOL)- Dowladda Soomaaliya ayaa shaaca ka qaadday baaritaanno labo dhinac ah in lagu sameyn doono weerarro soo noq noqday oo lagu beegsaday xarumaha shirkadda isgaarsiinta ee Hormud ay ku leeyahay deegaanno ka tirsan koonfurta dalka.

Wasaaradda Boostada, Isgaarsiinta iyo Tiknolojiyadda Federaalka,Eng. Cabdi Canshuur Xasan  oo ka hadlay weerarkii u dambeeyay ee lagu beegsaday xarunta shirkadda ee deegaanka Caws-qurun ee gobolka Gedo ayaa si adag u cambaareeyay, wuxuuna sheegay in weerarkan uu waxyeello weyn u geystay dhismihii iyo qalabkii xarunta shirkadda Hormuud ee deegaanka Caws-qurun taas oo saameysay ganacsiga iyo nolosha dadweynaha Soomaaliyeed ee gobolka Gedo.

"Waxa aan ku adkaynaynaa AMISOM in ay kala qeyb qaadato dowladda Soomaaliya baaritaanka weerarradan soo noqnoqdey oo aan aaminsanahay in ay muhiim tahay in tallaabada ku habboon laga qaado cadawgan u bareeray beegsiga dhaqaalaha iyo ganacsigeena si waafaqsan shuruucda caalamiga ah." ayuu yiri wasiir Canshuur.

Weerarka ayaa ku soo aadday xilli ay horey Wasaaradda Boostada ugu gudbisay  Wasaaradda Arrimaha Dibedda gal dhammeystiran oo lagu ururiyay khasaarooyinkii naf iyo maalba lahaa ee ka dhashay weerraradaas loo geystay shirkadaha isgaarsiinta Soomaaliyeed oo ay geysteen ciidammada Kenya.

Iman Mohamed Jama, Hiiraan Online
[email protected]