4/27/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Aug 25, 2019
Muqdisho: Gaari ciidan oo qarax lala beegsaday

Axad, Augusto, 25, 2019 (HOL)- Ugu yaraan labo askari ayaa ku dhaawacmay qarax ka dhacay magaalada Muqdisho,sida ay ku warrantay warbaahinta maxalliga ah.

Qaraxa oo la sheegay in waddada dhinaceeda la dhigay ayaa lala beegsaday gaari ay la socdeen ciidammada amniga dowladda.

Goobta uu qarax ka dhacay oo ku dhow waddada mashqulka ah ee Taleex, ayaa markiiba waxaa gaaray ciidammada booliska oo halkaa baaritaanno ka sameeyay, sida ay sheegeen goobjoogayaal.

Ilaa hadda ma jirto warbixin ka soo baxday hay'addaha ammaanka oo qaraxa looga hadlay,sidoo kale ma jirto cid sheegatay mas'uuliyada qaraxa.

Ammaanka caasimadda Muqdisho ayaa muddooyinkii dambe wanagsanaa, iyada oo hay'addaha amniga ay xoojiyeen howlgallada iyo baaritaannada amni.

Iman Mohamed Jama, Hiiraan Online
[email protected]