4/27/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Aug 25, 2019
Dr. Baadiyow oo ka hadlay wararka la xiriira khilaaf la sheegay inuu soo kala dhexgalay Guddiga qaban qaabada shirka dib-u-heshiisiinta Galmudug

Axad, Augusto, 25, 2019 (HOL)- Guddoomiyaha guddiga qaban qaabada shirka dib u heshiisiinta Galmudug ,Dr. Cabdiraxmaan Macalin Cabdullaahi (Baadiyow) ayaa markii u horreysay ka hadlay wararka la xiriira inuu jiro khilaaf soo kala dhex galay Guddiga qaban qaabada shirka dib-u-heshiisiinta Galmudug .

Dr. Baadiyow , ayaa beeniyay arrimahaa isagoo inta ku daray inuu heer gabogabo ah uu marayo shirweynaha dib u heshiisiinta Galmudug ee dhowaan ka furmi doona Dhuusamareeb.

"Dhismaha dawlad-gobolleedka Galmudug oo ay dhistaan dhammaan beelaha Galmudug waa lagama maarmaan, Hor-dhaca dhismaha maamulkaas waa shirka dib-heshiisiinta oo ay horkacayaan hoggaanka dhaqanka, kana qayb galayaan qaybaha bulshada Rayidka ah, Qabanqaabada shirkaas waxey mareysaa gabagabo, War-xuma tashiilka iyo dicaayadaha been abuurka ah waa in laga waantoobo oo danaha dadka Reer Galmudug loo tura oo aan lagu milin khilaafaadka siyaasadeed." ayuu yiri Cabdiraxmaan Baadiyow.

Wuxuu ku soo hadalkan,markii Cabdikaafi Maxamed Maxamuud oo ahaa Xog-hayaha Guddiga qaban qaabada shirka dib u heshiisiinta uu sheegay inuu jiro khilaafka Guddiga soo kala dhex galay oo ku saabsan kala aragti duwanaan la xiriira qaabka shirka loo wado iyo inta maalin shirka soconnayo, isla markaana ay tahay in lagu casuumo shirka beelaha ka qeyb galaya shirka Hobyo.

Iman Mohamed Jama, Hiiraan Online
[email protected]