4/27/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Aug 25, 2019
Madaxweyne Xaaf oo xil ka qaadis ku sameeyay Wasiir eedeyn u jeediyay guddiga shirka dib-u-heshiisiinta Dhuusa-Mareeb

 

Axad, Augusto, 25, 2019 (HOL)-Madaxweynaha dowlad gobolleedka Galmudug ayaa xil ka qaadis ku sameeyay Wasiir ka tirsanaa maamulkiisa oo eedeyn u jeediyay guddiga qaban-qaabada shirka dib-u-heshiisiinta Dhuusa- Mareeb.

Wasiirka Qorsheynta Cabdi Kaafi Maxamed Maxamuud ee xil ka qaaadista lagu sameeyay ayaa sheegay in guddiga dib-u-heshiisiita shirka Dhuus-Mareeb ay labo garab u qeybsameen, islamarkaana iyaga u baahan yihiin in dib-u-heshiisiin loo sameeyo.

''Guddiga la sheegayo in ay shirka maamulayaan iyaga ayaa u baahan in la heshiisiiiyo oo labo garab u qeybsamay, waxey ku kala qeybsameen sida ergada loo qeybsanayo, waa guddi dacbaan ah, madaxdii markii horeba magacaawday ayaa malaha heshiisiin doonta'' ayaa ka mid ahaa erayadii uu ku dhaiilay Wasiirka xilka laga qaaday Guddiga  shirka Dhuusa-Mareeb.

Maamulka Galmudug iyo Ahlu Sunna ee markii horeba isku biiray ayaa hadda u muuqda in uu soo kala dhax-galay khilaaf xooggan oo salka ku haya sida loo maamulayo shirka Dib-u-heshiisiinta beelaha Galmudug.

Hoose ka akhriso wareegtada xil ka qaadista Wasiirka ee ka soo baxday madaxweyne Xaaf :-

 

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]