4/27/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Aug 25, 2019
Dowladda Soomaaliya oo ciidamo geysay degmada Dhuusa-Mareeb

 

Axad, Augusto, 25, 2019 (HOL)-Wararka ka imanaya degmada Dhuusa-Mareeb ee gobolka Galguduud ayaa sheegaya in saakay halkaa gaareen labo diyaaradood oo ay la socdeen ciidamo ka tirsan kuwa dowladda Soomaaliya.

Ciidamada ayaa lagu waramayaa in ay qeyb ka noqon doonaan sugida shirka Dib-u-heshiisiinta ee la filayo in uu ka furmo degmada Dhuusa-Mareeb, hasse ahaatee waxaa jira khilaaf xooggan oo soo kala dhaxgalay maamulka Ahlu Sunna iyo dowladda dhexe ee federaalka oo la xiriira qorshaha qaban-qaabada shirka iyo sugida Amniga.

Ahlusuna ayaa ka digtay qorshaha Ciidamo lagu geynayo Dhuusa-Mareeb,  iyagoo sheegay in dowladda Soomaaliya qaadan doonto cawaaqibka ka dhashay ciidamada lagu daabulayo degmada.

Khilaaf salka ku haya qaban qaabada shirweynaha dib u heshiisiinta ayaa u dhaxeeya dowladda Federaalka iyo Ahlusuna, iyadoo laga war helay in ergo la diyaariyay in shirka laga qeyb geliyo.

Mas'uuliyiinta maamulka Ahlu Sunna ayaa ku eedeeyay dowladda federaalka in ay qorsheyneyso in shirka Dhuusa-Mareeb laga qeybgaliyo Odayaal laga keenay deegaanno kale kuwaa oo qaarkood la shaqeeya sida ay hadalka u dhiggeen Ururka Al-shabaab.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]