4/27/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Aug 24, 2019
Guddiga KMG ah ee diyaarinta sharciga doorashooyinka Qaranka oo la shiray axsaabta siyaasadda dalka


Sabti, Augusto, 24, 2019 (HOL)-Guddiga KMG ah ee diyaarinta sharciga doorashooyinka qaranka ee Golaha Shacabka ayaa maanta waxa ay Hotelka SYL kula shireen axsaabta siyaasadda ee ka jira dalka.

Kulanka uu guddiga la yeeshay axsaabta siyaasadda ee ka jira waxaa  shir gudoominaayay guddomiyaha guddiga Xildhibaan Cabdullaahi Abuukar  Xaaji.

Ujeedka kulanka ayaa ahaa siddii uu guddiga u dhagaysan lahaa  wax-yaabaha ay ka qabaan Axsaabta siyaasadda dalka shariciga  doorashooyinka qaranka ee uu xilligaan ka gacanka ku haayo diyaarintiisa Guddiga KMG ah ee diyaarinta sharciga doorashooyinka Qaranka ee Golaha  Shacabka.

Qaar ka mid ah madaxdii ka socotay Axsaabta siyaasadda ee ka jira dalka ayaa guddiga kaga mahad celiyay sida ay uga talo galiyeen diyaarinta sharciga doorashooyinka qaranka ee haatan horyaalo Golaha shacabka.

Guddiga ayaa maalmihii ugu dambeeyay waxaa ay kulamo la  yeelanaayay qeebaha kala duwan ee bulshada si ay uga dhageeystaan  aragtiyadooda ku aadan sharciga doorashooyinka Qaranka.

Guddiga iyo axsaabta siyaasadda ee ka jira dalka ayaa ku balamay in ay  yeeshaan kulan kale oo ay aragtiyadooda ku aadan sharciga doorashooyinka  qaranka uga wada hadlayaan.

 C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]