4/27/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Aug 24, 2019
Dowladda Soomaaliya oo diiday dalab la xiriira muranka badda oo uga yimid Midowga Africa

 

Sabti, Augusto, 24, 2019 (HOL)- Dowladda Soomaaliya ayaa ku gacanseyrtay dalab uga yimid guddi ka socday Midowga Africa oo codsaday in ay dhageystaan muranka la xiriira badda ee kala dhaxeeya Kenya.

Wasaaradda Arrimaha dibadda Soomaaliya ayaa qoraal ay soo saartay ku sheegtay dacwada arrintan ku saabsan ay hor taalo maxkamada Cadaallada ee ICJ, islamarkaana jirin sabab ay ku soo dhaxgalaan guddiga socday midowga Africa.

Maxkamada ayaa lagu wadaa in 9-13 bisha September u fariisato dhageysiga wareegii labaad ee dacwada ka dhaxeysa Soomaaliya iyo Kenya,  

Wasaaradda ayaa sheegtay in halka ugu danbeeya ee lagu kala baxayo tahay Maxkamada, islamarkaana aysan wax gorgortan ah ka gali doonin.

Kenya ayaa u muuqata in ay cadaadis dhinacyo badan ku saareyso Soomaaliya in ay ka laabato dacwada badda taa badalkeedana wax walba lagu dhameeyo hab wada-hadal ah.

Laakiin dowladda Soomaaliya ayaa taa badalkeeda si is daba joog uga adkeysaneysa in ay ku kalsoon tahay ugu danbeyntii go'aanka ay kiiskan ka gaarto maxkamada ICJ ee qaadeysa dacwada labada wadan.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]